SHARE

Taabid Cabdi Maxamed guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho oo maanta ka hadlayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu socdo qorshe la xiriira in dib loo furayo wadooyinka xiran ee Muqdisho oo ay ka mid tahay wadada ka timaada Tarbuunka iyo weliba jidcadayaasha kale ee xiran.

Isagoo ka hadlayay gawaarida xamuulka qaada ayuu sheegay guddoomiye Taabit inay ku qorsheynayaan in waddo kaliya loo yeelo gawaarida xamuulka qaada taasoo ay haatan wada qorsheynayaan iskaashatooyinka gaadiidka iyo weliba ciidamada taraafikada.

Wuxuu sheegay guddoomiye Taabit in aysan suuragal aheyn in dekadda ay qaabisho gawaari badan, sidaasi darteedan gaadiidka Xamuulka waqtiyo gaar ah ay shaqeyn doonaan si ciriiri aysan ugu keenin wadooyinka kale ee Muqdisho.

Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa haatan noqday ciriiri kadib markii wadooyin jid cadayaal oo muhiim u ahaa isu socodka dadka iyo gaadiidka la xirey waxayna taasi qasabtay in gaadiidka oo idil ay laamiyada maraan taasoo xilliyada qaar gaadiidku aysan helin meel ay kala maraan.

LEAVE A REPLY