SHARE

Axmed Ducaale Geelle Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa maanta ka soo degey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Cusmaan ee magaalada Muqdisho halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweyeey.
iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay.
Madaxweynaha Galmudug ayaa ka qeyb geli doono shirka uu Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo ku dhawaaqay inay Muqdisho ku yeelan doonaan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe oo la filayo inuu maanta gelinka dambe bilowdo.

Wafdigaan waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cabdi Faarax Juxa xildhibaano, siyaasiyiin, iyo saraakiil ciidan.

Madaxweynaha Galmudug ayaa qeybta VIP-da kulan gaar ah kula qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Cabdi Faarax Juxa iyo xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda deeganada Maamulka Galmudug.

Magaaladda muqdisho waxaa shalay soo gaaray Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare waxaa lagu wadaa in Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay goor dhow soo gaaraan Muqdisho.

LEAVE A REPLY