Siyaasiyiin ka hadlay arrimaha siyaasadda Dalka

Siyaasiyiin ka hadlay arrimaha siyaasadda Dalka

32
0
SHARE

C/raxmaan C/shakuur Warsame waxaa uu kamid yahay siyaasiinta Soomaaliyeed sidoo kale qeyb ka qaatay loo lankii loo galay madaxtinimada,C/raxmaan waxaa uu markii ugu horeysay si daah furan uga hadlay arrimaha siyaasadda Soomaaliya eee xiligani taagan.

Wuxuu soo hadal qaaday go’aanka arrimaha dibadda ee ay gaartay dowladda asagoo xusay in hadii go’aan arrimo dibadeed la gaarayo marka hore laga eego maslaxada mushtamaca dalka,wuxuuna intasi ku daray in loo baahanyahay in shacabka lala wadaago sababaha keenay go’aanada la qaadanayo.
“Anaga intaan ognahay Soomaaliya taariikheeda siyaasadeed marka dib loo fiiriyo oo wadamada Carabta kala dhexeeysa Seddex dowladood ayuu is-baheeysi kala dhexeeyey waa Maser, Sacuudiga iyo Imaaraadka. Seddexdaas dowladood ayaa u ahaa saaxiibo, marna Soomaaliya lama noqon dowladda Qatar saaxiib, kaliya dowladda Qatar waxa ay mar walba gacan siisaa Kooxaha hubeeysan ee Dowladda Soomaaliya ka soo horjeeda sida Shabaab maxaayeelay nooca dowladda Qatar ayaa saas ah oo hadda qaar ka mid ah Kooxaha Adduunka argagixisada u aqoonsaday xafiisyo ayey ku lee yihiin dalka Qatar”Ayuu yiri Mr C/raxmaan.
Dalalka Sucuudi Carabiay ayaa la qayaasayaa in ay ku nool yihiin ilaa “250,000 oo qof kuwaasi oo ka xamaasha wadankaasi,waxaana la sheegaay in dadkaasi ay kalin ku leeyihiin dhaqaalaha dalka soo galaya oo lagu qayaaso in 300 milyen oo dollar ay soo geliyaan dalka ganacsatada xoolaha u dhoofsato Sucuudiga.
Wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday Khilaafka dalka ka jira oo uu ku tilmaamay mid salka ku hayo watashi la’aan iyo go’aan yeelashada masiirka dalka,wuxuuna soo jeediyaya in inta laga helayo doorasho shacab xaalu mastuur lagu wado bulshada.
Hadalkan ayuu jeediyay mar uu ka qeybgalay kulan dood wadag ah oo ku saabsanaa xaaladaha siyaasaded ee dalka.

LEAVE A REPLY