SHARE

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo fikirka ah in bilaha soo socda guud ahaan dalka laga xoreeyo argagixisada Al-Shabaab kadib markii uu ka qeybgalay shirkii madaxda dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyad.
R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa intaasi ku darat in ay ka go’antahay inay la shaqeyso Xubnaha kale ee Wasiirada ka tirsan dowlad Goboleedyada, si loo dhameystiro howlgallada dalka looga xoreynayo cadowga Al-Shabaab.
“Dhacdadii 14-kii October waxa ay ahayd musiibo cusub oo ah musiibo Qaran, inagoo ka duuleyno xanuunka ku yimid shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay leedahay fursad aad u wanaagsan, maadaama shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay meel uga soo wada jeestaan argagixisada, waxaan soo dhaweynayaa fikirka ah bilaha soo socda in aan kuligeen ka shaqeyno dalka sidaan u xoreyn lahayn, sida uu ku baaqay Madaxweynaha” ayuu yiri Mr Kheyre.
Sidoo kale Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xusay in ahdaafta ugu weyn ee shirka uu yahay in laga wada qeyb qaato sidii dalka looga sifeyn lahaa cadowga Ummadda Soomaaliyeed
“Qof waliba oo Soomaaliyeed ha ogaado waxaa qatar ku jirta jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay dalka noo joogaan cadow shaqadoodu tahay inay cirib tiraan Ummadda Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY