SHARE

Waxaa magaalada Khaartuum ee caasimadda Dalka Suudaan ka furmay shirka Baarlamaanka Jaamacadda Carabta kaasi oo uu ka qeyb galay guddoomiyaha baaarlamaanka Carabta, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Suudaan iyo dhamaan gudoonka iyo xildhibaannada xubnaha ka ah Baarlamaanka Carabta waxaaan furay madaxweyen Albashiir.
Gudoomiyaasha Baarlamaanada Jamaacadda Carabta Mishaal Bin Fahm Al-Salami iyo kan Suudaan Ibraahiim Axmed Cumar ayaa si wada jir ah u sheegay in muhiim uu u yahay shirkan oo lagu xoojinayo xiriirka baarlamaanada wadamada Jaamacadda Carabta ku bohoobay.
Arrimaha Soomaaliya ayaa kamid ahaa waxyaabaha shirkaasi looga hadlay loogana mahad naqay ka qeybgalkeeda,iyadoo uu matalayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo halkaasi khud bad ka jeediyay.
Madaxweynaha Dalka Sudan Cumar Xasan Al Bashiir oo si rasmi ah shirka u furay ayaa ka hadlay muhiimmada uu shirka dalalka carabta u leeyahay.
Shirka waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha dalalka Yeman, Falastiin iyo cuna qabateyntii dhinaca dhaqaalaha ah ee dhawaan laga qaaaday dalka Sudan iyo sidoo kale dhaqaalaha iyo siyaasadda dalalka Carabta.
Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada Jaamacadda Carabta oo haatan ka soo kabsanaya burburkii iyo dagaaladii sokeeye ee soo marey.

LEAVE A REPLY