SHARE

Waxaa sii kordhaya walaac ay muujinayaan shacabka kunool magaalada Baladweyne ee xatunta gobolka Hiiraan markii ay isku cakirantay arrinta diidmada lacagta Shillin Soomaaliga ah.

Magaalada Beledweyn ee Xarunta gobalka Hiiraan ayaa laga diiday Isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliga ah dhamaanteed waxaana laga isticmaalaa oo kaliya doollarka iyo adeegga Evcga taasi oo  saameyn ku yeelatay shacab aad u farabadan oo danyer ah.

Mas’uuliyiinta maamulka Gobolkasi Hiiraan iyo ganacsatada ayaaa dadaal ugu jira sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinkaasi ka dhashey diidmada lacagta Shillin Soomaaliga ah maadaama dalka uusan lahayn lacag kale.

Waxaa Dadka danyarta ah ee kunool magaaladaasi  Beledweyne ay ka cabanayaan arrintaasi iyagoo xusay in aysan awoodin in ay iska bixiyaan lacagaha Dollarka ama EVCGA.

Mushkiladaha kataagan diidmada lacagaha Shilln Soomaaliga ah ayaa ahaa kuwo in muddo ah soo jiitamayaay,waxaana sidoo kale jirta in deegaano katirsan Puntland sidoo kale laga diiday Shillin Soomaaliga goor hore,balse maamulka uu talaabo ka qaaday haatana isbedelo ay jiraan.

LEAVE A REPLY