SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay kulan la qaatay Madaxda Maamulka Galmudug ee khilaafka ka dhaxeeyo.

Madaxweyne Farmajo aha ayaa Aqalka madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay Labada dhinac ee muranka u dhaxeeyo waxa uuna kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhaxeeyo oo saameeyay dhamaan Hay’adaha  Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Madaxweynaha Galmudug ku xigeynkiisa Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo sidoo kale ku xigeynkiisa 2aad oo kala hogaaminayo khilaafka Galmudug ayaa loogu baaqay in ay soo afjraan muranka waqtiga dheer qaatay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wado dadaalo uu ku doonayo in is faham la dhax dhigo dhinacyada Galmudug waxaana muuqata rajo wanaagsan.

Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho ku soo geba geboobay shirkii wadatashiga kaasi oo qeyb ka ahaa dadaalada dib u heshiisiineed.

LEAVE A REPLY