SHARE

Madaxweynaha Jamuuriyada Fadaralka Soomaaliya  Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa oo goor dhow gaaray xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya halkaasi oo kulamo uu kula leeyahay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha Dalka ayaa ugu horeyn  Salaan Sharaf ka Qaatay Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo halkaasi ku sugan,iyadoo ay halkaasi ku so dhaweyeey mas’uuliyiin uu kamid yahay taliyaha ciidanka Xoogga Dalka iyo mas’uuliyiinta wasaaradda Difaaca Soomaaliya.

Kulanka uu madaxweynuhu la qaadanayo saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa looga hadlaya sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah koxda Alshabaab iyo sidii loogu diyaar garoobe lahaa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in haatan uu bilowday dagaalka alshabaab dalka looga xoreynayo,isagoo tusaale u soo qaatay howlgaladii ugu dambeeyey oo ay qeybo kamid ah gobolada Dalka ay ka sameeyeen ciidanka Xooga Dalka, kuwaasi oo Shabaab looga qabsaday deegaano dhowr ah oo ay ku dhibaatayn jireen dadka Shacabka ah.

Guud ahaan Dalka ayaa laga dareemayaa diyaar garow dagaal oo xoogan wixii ka dambeeyey dhacdadaii 14kii October ee Argagixisada Shabaab ay isgoyska Soobe ku xasuuqeen boqolaal shacab Soomaaliyeed ah oo aan waxba galabsan.

LEAVE A REPLY