SHARE

Warar ka soo baxay hay’adaha dalka Mareykanka ee dhinaca Jinsiyadaha ayaa muujinaya in Muwaadiniin Soomaaliyeed oo heysta dhalashada dalka Mareykanka ay qarka u saaranyihiin in a waayaan dhalashada dalkaasi, waxaana la sheegay in uu hadda ku bilowday baaritaan ku aadan in warqado been abuur ah isticmaaleen 10-sano kahor,taasi oo keentay walwalkaasi.

Waaxda Cadaaladda ee Dowladda Mareykanka ayaa bilowday baaritaanka afartan qof ee Soomaalida ah kuwaasi oo la ogaaday in ay ka been sheegeen waxa ay isku yihiin markii ay soo galayeen dalka Mareykanka qaar kamid ah eheladooda.

Xafiiska Waaxda Cadaaladda ay ku leedahay magaalada Washinton ee Mareykanka ayaa loo gudbiyay dacwad ka dhan ah eedeysanayaashaasi oo la sheegay in Fiisooyin been abuur ah ay ku galeen Dalkaasi.

Dadka loo haysto dacwadaasi ayaa waxaa ay kala yihiin Fowsiyo Cabdi Adan, Axmed Maxamed Warsame, Mustaf Cabdi Adan iyo Feysal Jaamac Mire, waxa ayna halis ugu jiraan in dhalashadooda waayaan hadii dambiga lagu helo.

Baaritaanka ku socda afartan qof ayaa hadii ay ku cadaato waxa ay weyn doonaan xaquuqdii ay dalka Mareykanka ku lahaayeen, waxaana halis ugu jiraan in Soomaaliya loo soo musaafuriyo.

Fowsiyo Adan ayaa la sheegayaa in ay sheegtay Axmed Maxamed Warsame uu ninkeeda yahay halka Mustaf oo 33 jir ah iyo Feysal oo 31 jir ay ku sheegtay caruurteeda, muddo kadib ayey iska furtay Warsame kadibna mid waliba gees ayuu Mareykanka ka dagay.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Fowsiya ninka seygeeda ku sheegtay uusan sax aheyn sidoo kale aysan dhalin labada wiil kale ee ku galisay dalka Mareykanka in wiilasheeda yihiin.

LEAVE A REPLY