Mareykanka oo codsaday in Amisom ay sii joogto Soomaaliya

Mareykanka oo codsaday in Amisom ay sii joogto Soomaaliya

48
0
SHARE

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarrada arrimaha dibada Mareykanka ayaa lagu sheegay Washington ay howlgalka midowga Africa AMISOM weydiisatay in ay ku sii nagaadaan dalka Soomaaliya oo aysan ka bixin, madaama wali ay jirto khatar dhinaca nabad-galyada ah.

Xukuumadda Washington ayaa sheegaysaa  in aysan habooneyn in ciidamada AMISOM ka baxaan dalka Soomaaliya xili Al-shabaab ay kordhayeen weerarrada Isqarxinta ah,sidaasina waxaa lagu yiri codsi ka soo baxay Wasaaradada arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Qoraalka ayaa lagu yiri sida tan‘’Ma taageerneyno in ay hadda ka baxaan ciidamada AMISOM dalka Soomaaliya, ilaa awood u yeeshaan ciidamada dowladda Soomaaliya hanashada Amniga gudaha’’ sidaa waxaa yiri Wohlers Marion oo ah sarkaal ka tirsan xafiiska arrimaha dibada ee Mareykanka.

Saraakiisha sare ee  AMISOM ayaa dhawaan sheegay in dabayaaqada sanadkan ka saarayaan dalka Soomaaliya ilaa 1,000 Askari oo ka mid ah howlgalka midowga Africa AMISOM,taasi oo keentay warkan ka soo baxay  Mareykanka.

Baaqa Mareykanka ee ah in ciidamada AMISOM sii joogaan Soomaaliya ayaa imanaya xili Mareykanku kordhiyay weerarada cirka ah oo ay ka geysanayaan qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya, iyaga oo sheegay in weeraradii ugu danbeeyay ku dileen 100 dagaalamayaasha Al-shabaab ka tirsan.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshe ku aadan sidii guud ahaan dalka looga saari lahaa Alshabaab,iyadoo haatan howlgalo balaaran ay ka soconayaan qeybo kamid ah gobolada Dalka.

LEAVE A REPLY