Madaxweynaha HirShabeele”La igalama tashanin howlgalada socda

Madaxweynaha HirShabeele”La igalama tashanin howlgalada socda

44
0
SHARE

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowlada gobolleedka Hirshabeelle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka ka socoda qeybo kamid ah deegaanada uu ka taliyo maamulkiisa gaar ahaan Shabeelada Dhexe.

Madaxweynahaha HirShabeele ayaa xusay in anay jirin wax war ah oo uu ka haayo howlgalada ka soconaya deegaanadaasi,gaar ahaan tuulooyinka hoostaga degmada Balcad ee Shabeelada Dhexe,kadib markii dhawaan dagaalo ay Shabaab iyo ciidamada Dowladu ay ku dhexmareen Basra iyo tuulooyin kale.

 ‘’Inkastoo ciidamadu ay ku shaqeynayaan Amarkii madaxweyne Farmaajo oo dagaalka Iclaamiyay, haddana dagaalku wuxuu u baahan yahay wadatashi iyo in hal fikir laga wada qaato, sidda ay hadda dagaalladu ku socdaan gaar ahaan deegaanka Basra runtii Annaga ka maamul ahaan waxaan ka qabnaa walwal aad u weyn, waxaanan jeclaan laheyn in tallada dib loogu noqdo, ayuu yiri’’ madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Hadalka madaxweyne Waare ayaa imaanay axili ay jiraan howlgalo ballaaran oo shabaab looga saarayo deeganaada ay kaga sugan yihiin gobolada Dalka,waxaana kamid ah deegaanada Hirshbeele.

Howlgaladaasi ayaa waxaa kamid ahaa Diyaarado dagaal oo dhawaan duqeyn ka geysteen qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana la sheegay in duqeyntaa lagu bartilmaameedsaday Al-shabaab.

 

Militariga Soomaaliya ayaa gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ka wada howlgalo ballaaran oo ka dhanka ah Alshabaab

LEAVE A REPLY