R/Wasaare Khayre oo ka qeybgalay ololaha taageerada ciidamada

R/Wasaare Khayre oo ka qeybgalay ololaha taageerada ciidamada

30
0
SHARE

Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ka bilaabatayMunaasabad ku saabsan Ololaha Haweenka Soomaaliyeed ee taageerada howlgalada ciidanka Xoogga Dalka ay wadaan ayaa haatan si toos ah uga soconaysa magaalada Muqdisho.

Waxaa goob joog ka ah munaasabadani Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,Wasiiro katirsan Xukuumadda,xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Sooomaaliya,haween saraakiil iyo qeybaha bulshada.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigaya suugaan ka tarjumaysaa gubaabinta iyo garab istaaga ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya,kuwaasi oo dagaal kula jira maleeshiyada Alshabaab.

Waxaa lafilayaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu khudbad ka jeediyomunaasabadda,isagoo ka hadlidoona muhiimadda ay leedahay in la garab istaago ciidamada,islamarkaana ka hadlidoona dagaalada ka dhanka ah maleeshiyaadka Alshabaab.

 

LEAVE A REPLY