Taliska Booliska”Waa been abuur in babuur qaraxyo wada ay Muqdisho soo galeen

Taliska Booliska”Waa been abuur in babuur qaraxyo wada ay Muqdisho soo galeen

25
0
SHARE

Wixii ka dambeeyay markii ay soo bexeen wararka sheegaya in gaadiid qaraxyo wada oo ay leeyihiin Amisom ay kujiraan Muqdisho,waxaa sii kordhayay walaaca laga muujinayo saameynta arrintaasi.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa uu markii ugu horeysay ka hadlay arrintaasi,isagoo ku baaqay in shacabku ay isdejiyaan islamarkaana laga fogaado in qal qal lagu abuuro.

Siihayaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ahna taliye kuxigeenka Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax  sheegay in wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah oo lagu qalqal gelinayo shacabka,wuxuuna taliyuhu intaasi ku daray in aan loo baahnayn in bulshada la marin habaabiyo.

Taliyaha ayaa yiri“ dadka sheegaya in gadiid qaraxyo sida soo galleen magaalada waa been abuur iyo arrin la rabo in bulshada lagu qalqal galiyo, shacabka waxaan ka codsaneynaa in ay hay’addaha Amniga ku soo wargeliyaan wax kasta oo Amniga lid ku ah ”Jan. Mukhtaar ayaa sidaasi yiri.

Janaraal Mukhtaar siihayaha taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale xusay in aysan jirin gadiid Amisom ay leedahay oo Muqdisho larabo in lagu qarxiyo.

“Baabuur AMISOM laga qabsaday in cadawga isticmaalayo ayaa laga cabsi qabaa ayaa la leeyahay sidoo kale,in garoonka diyaaradaha laga cararay, warkaas dhan waa waxba kama jiraan, garoonka xaaladiisa amni waa caadi, diyaaraha waa ka soo degaan, warkaas waa wax aad u fool xun oo lagu qalqal gelinayo shacabka,qofkii haayo xog rasmi ah hay’adaha amniga ha la soo wadaago.” Ayuu yiri Jan Mukhtaar.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyey,waxaana jirta in ciidamada dowladu ay bilaabeen baaritaano ay ku sameeyeen gaadiidka Amisom si loo hubiyo,taasi oo ka dhalatay cabasidaasi dhawaan soo ifbaxday.

 

LEAVE A REPLY