Wararkii ciyaaraha oo xiiso badan

Wararkii ciyaaraha oo xiiso badan

42
0
SHARE

Sida ay sheegtay Jariiradda Starsport koxda kubadda cagta  Arsenal ee Dalka Ingiriiska ayaa qarka u saaran inay adduun dhan 60 milyan kula soo wareegto Nabil Fekir marka uu dib u furmo suuqa, kaa oo sidoo kale ay danaynayso Barcelona waxaana wararku ay sheegayaan in ay ka dulqaadayso Barcelona.

Waxaa wararku ay sheegayaan in xidigaha ay daneeyaan kooxaha Man United iyo Man city Mesut Ozil iyo Alexis Sanchez la fasixidoono horanta sanadka 2018,kadib markii Arsenal ay heshey kalsooni ku aadan hanashada laacibta reer Frence ee Nabil Fekri marka uu furmo suuq kala iibsiga.

Laacibkan oo 24 jirka ah ayaa loo adeegsan karaa weeraryahan,waxaana milkiilaha Koxda Lyon ninka lagu magacaabo Jean-Michel Aulas uu ku tilmaamay laacibkaasi”Lionel Messi,waxaana hadii Arsenal heshiiskaasi xaqiiqsato,uu Laacibka Fekri ku biiridoonaa saaxiibkiis ahore ee koxda Lyon Alexandre Lacazette.

Ciyaariyahanka Lacazette ayaa ku soo biirey koxda Arsenal xiligii xagaaga eek ala iibsiga,waxaana laga soo bashay adduun dhan 52 milyen oo bound.

Waxaa lafilayaa in Ozil lagu iibiyo 30 Mliyen oo dollar,maadaama uu qandaraaskiisu dhacayo,

Sikastaba, Fikir oo qandraaskiisu dhacayo 2020 ayaa kooxda Wenger ugu kici doona adduun dhan 60 milyan oo bound.

LEAVE A REPLY