Dhawacyadii Turkiga loo qaaday oo maanta Muqdisho dib loogu soo celinayo

Dhawacyadii Turkiga loo qaaday oo maanta Muqdisho dib loogu soo celinayo

52
0
SHARE

Qaar kamid ah dadkii ku dhawacmay qarixii 14kii October ka dhacay Isgoyska Soobe ee Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta la soo gaarsiyo magaalada Muqdisho,kadib markii xaaldoodi cafimaad ay soo hagaagtay.

Waxaa habeenkii xalay ahaa ka dhacday magaalada Ankara ee Dalka lagu qabtay munaasabada  lagu sagootinayay dadkii soo Caafimaaday ee Dalkooda dib loogu soo Celinayo.

Tirada Dadka soo Caafimaaday ee maanta ku soo labanaya Muqdisho ayaa gaaraya ilaa 10 qof kuwaas oo la sheegay in Daawooyin yar ay u harsan yihiin balse ay ku qaadanayaan Gurigooda Isbitaalkana ay ka bixi karaan.

Magaalaad Muqdisho ayaa lafilayaa in maanta ay ka so odegato Diyaarad laga leeyahay Dalka Turkiga,taasi oo wada dhaawacyadaasi.

Turkiga oo Dalkii ugu horeeyya ee Soomaaliya soo Caawiyay markii ay dhacday Musiibadii Zoobe ayaa ku dadaalay dadkii dhaawacyada ahaa ee la geeyay Dalkiisa waxaana Ehelada Dadkii halkaas la geeyay ku amaaneen si hagar la’aanta ah ee uu u daaweeyay Bukaanadii uu qaabilay.

Mashaqadii ka dhacday Isgoyska Soobe 14kii October ayaa waxaa ay noqotay mid aad u saameysay dareenka Shacabka Soomaaliyeed ee kunool gudaha iyo dibadda Dalka.

LEAVE A REPLY