Shir looga hadlayo nidaamka Canshuuraha oo Muqdisho ka furmay

Shir looga hadlayo nidaamka Canshuuraha oo Muqdisho ka furmay

16
0
SHARE

Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ka furmay Shir u dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya iyo Ganacsatada Muqdisho,iyadoo ay  ka qeybgalayaan Madax ka tirsan Bankiga Adduunka oo taageera Soomaaliya.

Ajandayaasha shirkaasi looga hadlayo ayaa ah sidii Ganacsatada Soomaaliyeed ay u bixin lahaayeen Canshuurta si loo hormariyo Dalka islamarkaana loogu sameeyo Dib u dhis.

C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya ayaa shirkaan ku dhawaaqay in la qaban doono si Ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda ay uga wada hadlaan Arrimaha Canshuuraha iyo sidii Ganacsatada ay Canshuurta u bixin laheyd.

Qaadista canshuurta qeybeheedi kaladuwan ayaa muhiim u ah horumarka dalkasta oo ka jira Dunida,balse Soomaaliya oo in kabadan 25 sano burbursanayd ayaan weli jirin nidaamkii qaadista canshuuraha.

Waxaa lafilayaa in Raiisul Wasaaraah Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ka qeybgalo shirkaasi oo muhiim u ah howlaha qaadista canbshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda.

LEAVE A REPLY