Wararkii ugu dambeeyey dhismaha Golaha Wasiirada HirShabeele

Wararkii ugu dambeeyey dhismaha Golaha Wasiirada HirShabeele

36
0
SHARE

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku guda jira Wadatashiyadii ugu dambeeyay ee ku aadan soo magacaabista Golihiisa Wasiirada cusub,taasi oo la sheegayo in khilaaf xoogan uu ka taagan yahay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya Maxamed Cabdi Waare uu doonayo in uu yareeyo tirada golaha Wasiirada maamulkaasi, waxa uuna doonayaa in uu kusoo koobo 15-Wasiir iyo 15-kuxigen iyo 4 Wasiiru Dowle,taasi oo ka yer tiradii horey ay u ahaayeen Golihii Wasiirada ka horeeyay.

Qorshaha uu Madaxweyne Waare ku doonayo in uu ku yareeyo Golaha Wasiirada waxaa kasoo horjeestay Madaxweyne Kuxigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ,kuwaa oo ugu baaqay in Golaha Wasiirada ay noqdaan ugu yarana 20-Wasiir ama ka badan.

Magaalada Jowhar ayaa xalay waxaa ka dhacay kulan dhexmaray madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka,balse wararka ayaa sheegaya in ay isku fahmi waayeen qaab dhismeedka Golaha Wasiirada.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe oon isna aanan ku qanacsaneyn tirada yar ee laga dhigayo Wasiirada Hirshabelle oo hada ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in Jowhar deg deg ugu laabto.

Magacaabista Golaha Wasiirada oo la filayay in waqtiyada soo aadan dhacdo ayaa laga yaabaa in dib u dhac maalmo ku yimaado kadib markii Madaxda ugu sareysa Maamulka isku fahmi waayeen tirada Golaha Wasiirada.

 

LEAVE A REPLY