SHARE

Xubno ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyrre ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in goor-dhaw ka baxay Shirka Golaha Wasiirada oo ka socda Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaalle Bayle,taasi oo loo aanaynayo muran dhexmaray isaga iyo raiisul Wasaaraha.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa tilmaamaya in shirka uu soo bilaawday Saakay ilaa waqtigaana uu ka socda Guriga Ra’iisal Wasaaraha waxaana jira doodo kulul oo u dhaxeeya Xubnaha Golaha Wasiirada ee ka qeyb galaya Shirkaas.

C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayer ayaa la sheegay in ay dood dhaxmartay Muddo dhowr daqiiqo ah kadibna waxaa Shirka ka soo baxay Wasiir Bayle.

Ilaa iyo haatan majirto cid si rasmi ah u xaqiijinkarta waxyaabaha sababay murankaasi,arrintani ayaa imanaysaa xili shalay ay iscasishey Wasiirkii Gargaarka XukuumaddaSoomaaliya Mrayan Qaasim Axmed oo sheegaytay in sababo isbar bar yaac ah ay xilka isaga wareejisay.

Wixii warar ah ku so kordha goor dhow la soco

LEAVE A REPLY