SHARE

Mohamed Sheikh Osman Jawaari Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa haatan waxaa uu wajahaya Labo Mooshin oo is bar bar socota oo ay ka diyaariyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka,waxaana Qaar ka mid ah Xildhibaanada diyaariyay Mooshinka xaqiijiyay in ay ugu yaraan 50 Xildhibaan ay gudbiyeen Mooshin ka dhan Guddoomiye Jawaari mooshinkaas oo lagu daray Ajandaha Golaha Shacabka sidoo kalane hada lagu howlan yahay Mooshin kale oo looga soo horjeedo Prof Jawaari.

Mooshinkii hore loo gudbiyay ee lagu soo daray Ajandaha Golaha Shacabka ayaa ku qotamay Qaladaad ka jira dhismaha Guddiyada Baarlamaanka murankaas oo soo bilaawday markii la dhisay Guddiyada.

Wararka qaar ayaa sheegayaa in Labadii maalmood ee la soo dhaafay ay Kulamada Golaha Shacabka u baaqdeen muran ka jira Xildhibaanada Gaar ahaan Guddoomiyaha iyo Xildhibaanada Mooshinka ka diyaariyay.

Muqdisho waxaa ka soconaya Diyaarinta Mooshin kale oo ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uuna noqonayaa Mooshinkii Labaad oo ka dhan ah Jawaari.

Waxyaabaha muranka dhaliyay ayaa waxaa ka mid ah tirada Shaqaalaha ee Golaha Shacabka iyo Lacag lagu sheegay Qaaraan oo bil walba laga jaro Xildhibaanada.

MGolaha Shacabka ee diyaarinaya mowshinka ayaa sheegay in tirada Shaqaalaha ee Golaha Shacabka ay gaarayaan 380 Qof oo mushaari ah dadka shaqeeyana ay yihiin wax ka yar 40 qof,taasi oo ay siweyn uga soo horjeesteen.

xildhibaanada sidoo akle ayaa sheegay in bil walba mushaarkooda laga jaro lacag $100 oo ah qaaraan loo qorsheeyay Xildhibaankii dhinta ama xanuun iyo dhib kale soo gaara lacagtaas oo aan la ogeyn halka ay ku baxday Sanadihii dambe Islamarkaana aysan ogeyn Xildhibaan dhib soo gaaray.

LEAVE A REPLY