SHARE

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,loona gudbiayay guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya lagu soo rogayo canshuurista Gunnada ay qaataan.
Talaabadan oo ay qaaday Wasaaradda Maaliyadda ayaa noqonaysaa tii ugu horeysay,waxaana la sugayaa in guddoonka iyo xildhibaanada arrinkaasi ay ka jawaabaan.
C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa warqad uu 9-kii bishan November u qoray Guddoomiyaha Golaha shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in talo bixi dhanka sharciga lala sameeyay Garyaqaanka Guud ee dowladda, taasoo lagama maarmaan noqotay in dib looga nodo canshuur dhaafkii loo sameeyay Xildhibaanada Golaha shacabka.
Dhawaan ayaa waxaa lafilayaa in mudanayaasha baarlamanku ay dood ka yeeshaan arinatani,Mudanayaasha Golaha shacabka ayaa qofkasta bil walba mushaar u qaata lacag dhan 3000 kun oo dollar,horey uma jirin talaabadan waxaana yaalay heshiis ahaa in casnhuur dhaaf loo sameeyo xildhibaanada.

LEAVE A REPLY