SHARE

Wafdig uu hoggaaminayo Raiisul Wasaarah Soomaaliya ayaa lagu wdaa in uu maanta gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay halkaasi oo ay ka socoto qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta wafdiga raiisul Wasare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi kula soo kulmi doono madaxda Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed,waxaa sidoo kale lafilayaa in uu lakulmo saraakiisha iyo ciidanka Xoogga Dalka oo kusugan deegaanadaasi.

Socdaalka Raiisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmayaa xili lafilayo in shirkii Golaha Wasiirada ee Khamiis laha ahaa uu ka dhoco magaaladaasi Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay kadib markii dhawaan uu baaqday.

Waxaa magaalada Baydhabo ka soconaysaa qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta wafdiga raiisul Wasaaraha Soomaaliya oo halkaasi uu ku tagayo.
Ammaanka magaalada ayaa siweyn loo adkeyeey waxaana l arkayaa ciidamo aad u farabadan oo howlgalo ka sameynyaa gudaha iyo daafaha magaaladaasi Baydhabo.

Raiisul Wasaaraha ayaa todobaadkii hore waxaa uu tagay degmada Baraawe ee gobolka SHabeelada Hoose,halkaasi oo uu ka dhagax dhigay dhismaha Garoon diyaaradeed oo halkaasi laga hirgelinayo.

LEAVE A REPLY