SHARE

Maamulka Garoonka Diyaradaha Magalada Kismayo ayaa guddoomey Qalab Cusub oo Logu Talo Galay in Lagula Socdo Sadaasha Hawada Garoonka Kismaayo,Kaasi oo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukumadda Federaalka Soomaliya ugu deeqday.
Mareeyaha Garoonka Kismayo C/lLaahi Aadan Maxamuud (Jagadoon) oo uu Wehlinaayay injineerka Sameyn Doono Qalabka ayaa Soo Kormeeray Dhabaha Weyn Ee ay Ku Ordaan Diyaradaha ,iyagoona Soo Indho indheeye Halka ugu Haboon Ee Qalabkan Cusub Ee Lagula rakibayo.
Cabdullaahi Aadan Maxamuud Mareeyaha Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismayo ayaa sharaxay qalabkaan iyo faa’iideyinka uu u leeyahay garoonka diyaaradaha kismaayo ,waxaana uu sheegay in Qalabka Cusub iyo Ku Shaqeyntiisa loo Tababari Doonan Shaqaale .
Dowlad gobolledka jubbaland ayaa xooga saartay tayeynta iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida garoonka diyaaraha iyo dekedda magaalada kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
By/ Hassan Yusuf Mohamed {Shafat Yare}

LEAVE A REPLY