SHARE

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray magaalada Nairoobi ee xarunta Dalka Kenya,kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka heley Madaxweyne Uhurru Kenyatta.
Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaaladaasi Nairoobi mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya,diblomaasiyiinta iyo madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Dalkaasi.
Madaxweynaha aayaa ka qeyb galidoona munaasabad lagu caleemo saarayo madaxweynaha dhawaan dib loo doortay ee Kenya Uhurru Kenyatta.

Hogaamiyal ka kala socoda ilaa 11 dal oo Africaan ah ayaa lafilayaa in ay ka qeybgalaan caleemasaarkaasi.

Madaxweynaha Jabuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu joogo magaalada Nairoobi waxaa lafilayaa in uu kulamo kaladuwan la yeesho madaxda ka qeybgalaysa munaasabadaasi caleema saarka ah

Munaasabadda kadib ayaa waxaa la filaya in wafdiga madaxweynaha Soomaaliya uu uga gudbo halkaasi wadankaIvory Coast oo ku yaala Galbeed Qaaradda Africa,halkaasi uu uga qeybgalidoono shir muhiim ah.

Dalka Ivory Coast ayaa waxaa lagu qabanayaa shir looga hadlayo xaaladda wadamada Qaaradda Africa oo ay Soomaaliya kujirto,kaasi oo Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay ka qeybgalidoonaan

LEAVE A REPLY