SHARE

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, si ay u dhiiri galiyaan Ciidamadda Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.
Wasiirka oo la hadlay wakaalada SONNA ayaa sheegay in ay u kuur galeen xaalada Ciidamadda oo diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira sidii Al shabaab looga saari lahaa deegaanada yar ay ku dhuumaaleysanayaan, wuxuuna sheegay in talaabadan ay daba socoto dagaalkii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Wasiirka Xasan ayaa dhinaca kale sheegay in sidoo kale ay booqasho ugu tageen Ciidamada ku sugan degmada Buurhakaba ee Gobalka Bay, wuxuuna sheegay in diyaar garow fiican uu ka muuqdo, isla markaana ay diyaar u yihiin Al shabaab inay ku weeraraan Saldhigyada ay ku dhuumaaleysanayaan, wuxuuna sheegay in wax lagu farxo ay tahay sida ciidamada ay kaga muuqato Wadaniyada iyo kalsoonida ay ku qabaan in gabi ahaanba dalka ay ka saaraan Al shabaab.
Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in Howlgaladda Xooggan oo ay wadaan ciidamadda Xoogga dalka iyo Saaxiibada Caalamka ay kordhisay baqdinta iyo walwalka ay qabaan koxda Shabaab, iyadoo sababtay in maalmihii ugu dambeeyay ay Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed isku soo dhiibayeen rag katirsan Al shabaab halka qaar kale oo badan ay iskaga carareen Koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY