SHARE

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa Daah furay Diiwaan-galinta Ciidamada Xooga Dalka oo markii ugu horeysay Taariikhda Soomaaliya Askari walbo Mushaarkiisa uu ku qaadan doono Akoonkiisa gaarka ah.
Talaabadan ayaa ujeedkeedu yahay in laga gudbo Nidaamka Lacagaha Kaashka ah gacanta loogu qeybiyo Ciidamada taasoo mudooyinkii lasoo dhaafay la isticmaalayay,balse haatan ay jiraan isbedelo ku yimid.
Wasiirka Beyle ayaa tilmaamay in hadii tilaabadan si rasmi ah loogu guuleysto in ay noqon doonto mid waxbadan ka badasha baahida Ciidanka ay u qabaan helida mushaar joogta ah.
Waxaa si rasmi ah loogu bilaabay diwaangelintaasi Diwaangalinta Ciidamada Xoogga Dalka ee Xisaabta shaqsiyadeed ciidamada ilaalada madaxtooyada oo katirsan guutada 60-aad ee ciidanka Xooga Dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu ciribtirayo hanaanka masuq maasuq oo mudo badan soo hareeyay dalka,waxaana hadda muuqanaya ifafaalo Qorshe cad ah looga gaarayo masuq maasuqa.

LEAVE A REPLY