SHARE

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Waxaa Wafdiga Madaxweynaha uu ka koobanyahay labada Gole iyo Masuuliyiin kale,waxaana soo dhaweeyay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka JSF iyo Masuuliyiin kala duwan.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qayb galka shirka Amniga Qaranka oo dhawaan ka dhici doona Caasimada.
Madaxweynahu wuxuu sheegay in amaanka wadanku uu aad uga wanaagsan yahay sidii uu ahaa Sanado kahor isla markana ay rajo wanaagsan ka qabaan in la gaaro isku filnaansho dhinaca amniga ah.
Ciidamada Soomaaliya ayuu Madaxweyne Axmed Madoobe sheegay in duruufo adag ay ku shaqaynayaan taas oo jirtana ay wax badan oo juhdi ah galiyeen nabadgalyada wadanka.
Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka ay kasoo baxaan go’aamo horay usii dhaqaajiya rajada laga qabo in Soomaaliya ay amaankeeda hanato isla markana la isku duba rido Ciidamada Qaranka.

LEAVE A REPLY