SHARE

Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo sportska Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay jiraan shaqsiyaad doonaya inay mooshin ka keenaan Madaxweynaha oo ay ka soo bilaabaan kor,taasi oo ay sheegtay in aan loo dulqaadan karin.
Wasiirka Dhalinyarada Khadiijo Maxamed Diiriye aya hadalkan jeedisay mar ay ka qeybgashey munaasabad lagu soo bandhigay Waxqabadka Xukuumadda iyo geedi socodka hanaanka Dowladda,waxaana ay soo hadal qaaday marxaladihii loo soo marey mowshino horey u jiri jirey.
Waxay ka dhawaajisay in aan Baarlamaanka marna bedeli jirin Ra’iisul Wasaaraha, balse ay aheyd mid ka imaan jirtay Madaxweynihii Ra’iisul Wasaaraha keena.
“Mooshinka waxaa caado aheyd in Ra’iisul Wasaare lix bilood jooga in la bedelo, baarlamaanka ma bedeli jirin, mooshinka kow waxaa bilaabi jiray Madaxweynihii Ra’iisul Wasaariha keena, ayaa dhihi jiray lix bilood ka bacdo markii dalqadiisa arki waayo iyo dantiisa gaarka aheyd orda oo iga soo bedela, maanta Madaxweyne Farmaajo damac kale iyo dalqad kale oo u furan ma jirto oo aan aheyn Danta, Dalka iyo Dadka, wuxuu bedelay wixii horay oo dhaqan horay loo yaqiin”ayay tiri Wasiir Khadiijo.
Sidoo kale waxaa ay sheegtay in marka Madaxweynaha uu rabo inuu bedelo Ra’iisul Wasaare in Wasiiradii xilligaas jooga in la dhihi jiray is casila, si aad berri u soo noqotaan, balse maanta Madaxda jooga aanay sidaas dhaheyn.
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Waxaa ay sheegtay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre laga waayay dan aan aheyn nabad iyo nolol, danta iyo dalka, isla markaana ay is diideen wixii la bartay iyo waxa lala yimid, isla markaana ay iyagana ku daba feylsan yihiin Madaxdooda.
Mrwo Khadiijo Diiriye ayaa toos u weerartay dad ay sheegtay in ay yihiin kuwo qaswadiyaal ah islamarkaana ay doonayaan in ay dowladda arqaladeeyeen.

LEAVE A REPLY