SHARE

Waxaa kordhaya dagaal khasaarihii ka dhashey dagaal dhexmaray ciidamo taabansan Mukhtaar Roobow Abuu-manduur iyo maleeshiyaad katirsan kooxaha argagixisada Al-shabaab oo ka dhacay Gobolka Bokool.
Dagaalkan ayaa ka dambeeyey kadib markii ciidamada daacadda u ah Abuu-mansuur ay duulaan ku qaadeen deegaanka Abal oo hoostaga magaalada Xudur,iyagoo ka warhelay xogo la xiriira in halkaasi ay kusugan yihiin maleeshiyaad katirsan Alshabaab.
Saraakiil katirsan ciidamada Dowladda oo ku sugan Gobolka Bokool ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in dagaalkaasi Al-shabaab looga dilay ilaa 7 maleeshiyo ah,halka kuwo kalena ay dhaawacmeen,sidoo kale qaar oo nolosha lagu soo qabtay.
Dhanka kale waxaa la sheegay in dhanka ciidamada daacadda u ah Abuumansuur uu soo gaarey khasaare aan sidaasi u badnayd,waxaana xaaladdu ay tahay mid degan deegaankuna ay kusugan yihiin ciidamadii taabacsanaa Mukhtaar Roobow Abuumansuur.
Mukhtaar Roobow Abuu mansuur ayaa muddooyinkan waday abaabul iyo qorshayaal dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana uu dhowaan tagay magaalooyinka Baydhabo, Xudur iyo Kismaayo oo uu maalmo ka hor uu gaaray.

LEAVE A REPLY