SHARE

Taabid Cabdi Maxamed Gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay baahiyaha loo qabo in culimadda Soomaaliyeed ay wacyigelin u sameeyeen dhalinyarada Soomaaliyeed si loogu jeheeyo nabadda.

Guddoomiye Taabid ayaa mar uu la hadlay war baahinta wuxuu ka dalbaday Culimadda Soomaliyeed, imaamyada masaajidyada iyo waliba macalimiinta dugsiyada qur’aanka ee ku yaala Magaalada Muqdisho in ay u istaagaan la dagaaalanka afkaarta guracan ee Al-Shabaab ku marin habaabinayaan dhalinyarada Soomaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay inay ka doonayaan culimadda Soomaliyeed, macalimiinta dugsiyada qur’anka iyo waliba imaamyada masaajidyada in ay u diyaar garoobaan dagaal lala gelo Al-Shabaab ,maadaama buu yiri ay ku dhameeyeen shacabka Soomaliyeed musiibadii Zoobe oo kale, islamarkaana aan ka qeyb qaadanaa dagaal ka dhanka ah ee Al-Shabaab, kaasi oo ay ku dhawaaqday dowladda Soomaliya goor hore.

Hadalka guddoomiyaha ayaa u muuqda in uu la xiriiro ka qeybqaadashada sidii bulshada looga wacyigelin lahaa ka fogaanshaha qataraha Alshabaab.

LEAVE A REPLY