SHARE

Warkooban oo uu soo saaray bartiisa facebooga,wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya En.C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayuu ku yiri.
Waxaan qadka telefoonka kula hadlay Mohamed Aweis Mudey (Boqorka Bartamaha) oo xabsiga laga soo daayey berrina noogu iman doono Mogadishu.
Waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Qaranka oo codsigeena tixgeliyey una gudbiyey Madaxda Ethiopia.
Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa suxufiyiinta marwalba I xasuusin jirtey Boqorka. Waxaana mahad u sugnaatay EEBBE oo noo sahlay arrinkan.

LEAVE A REPLY