SHARE

Wararka ka imaanaya Soomaaliland ayaa sheegayaa in Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliland ay baadi goob ugu jiraan fanaanka Nimcaan C/raxmaan Nimcaan Hilaac oo wararku ay sheegayaan in uu ku sugan yahay magaalada Boorama.

Wuxuu dhawaan ka laabtay Koonfurta soomaaliya oo barnaamijyo uu ka qabtay,dib ayuu u laabtay wuxuuna maray Dalka Jabuuti,kaasi oo markii dambe safar dhinaca dhulka ah ku galaya deegaano katirsan Gobolka Awdel.

Ciidamo wata sadex gaari ayaa tagay guriga Fanaanka iyagoo qoyskiisana ka dalbaday iney dibeda usoo saaraan Sharcigana isu dhiibo balse dadweyne arinkaa ka careysan ayaa isku gudbay Fanaanka iyagoona goobta ka bixiyay Nimcaan Hilaac sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamadii duulaanka ahaa iyo dadweynaha Fanaanka la safnaa ayaa waxaa dhexmaray dagaal rasaas iyo gacan ka hadalba la isu adeegsaday taasoo dhalisay dhaawaca dhowr qof oo Shacab iyo Boolis isugu jira.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo Boorama ayaa sheegaya in Ciidamada ay xireyn Aabaha dhalay Nimcaan Hilaac oo ah sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska iyo qof oo ka mid ah qoyska Nimcaan.

Maamulka Soomaaliland ayaa inta badan wuxuu beegsadaan Fanaaniinta ama siyaasiinta deegaanadaasi ka soo jeeda,kuwaasi oo yimaada Koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY