SHARE

Maxamed Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa ka dalbaday Xukuumadda Soomaaliya in ay baarlamaanka u soo gudbiso warbixinta la xiriirta tirada Ciidamada shisheeye ee kusugan geyiga Soomaaliya.
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka hadlayay arrimaha ciidamada ayaa yiri.
“Waxaa maqalnay AMISOM waa baxeysaa, AMISOM waa joogeysaa, marka hore hadii ay baxayaan waa in aan xog ka heynaa, umana jeedno arrintaas, Amniga anaga dhan ayuu waajib naga saaran yahay Xukuumadda kaliya ma ahan”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.
Sidoo kale Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Baarlamaanada kale lala socodsiiyo marka askar dalkooda la keenayo, isla markaana iyagoo aan ansixin aan askar dalkooda la geyn sida uu yiri.
“Waa in aan nala socodsiiyo oo aan ogaano Ciidamada shisheeye nidaamka iyo shuruudaha ay ku joogaan, waa arrin meel gaar naga taabaneysa, Baarlamaanada kale hal askari marka banaanka laga keenayo xataa waa loo geeyaa, iyagoo aan ansixin dalkooda looma geeyo”ayuu yiri Jawaari
Wuxuu intaasi ku daray Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari in Gole ahaan ay xaq u leeyihiin, isla markaana tahay arrin lagama maarmaan, waxaana uu faray Guddiyada Arrimaha Gudaha iyo Difaaca inay arrintan il gaar ah u yeeshaan.
Soomaaliya waxaa ka howlgalaya Illaa 22 kun askari oo ka socda wadamada ku bohoobay Midowga Afrika ,sidoo kale Ciidamo Mareykan ah oo gaaraya boqolaal askari, ciidamo ka socda dalalka Ingiriiska, Talyaaniga iyo dalal kale ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo taageeraya Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida.
Hadal haynta ugu badan ayaa ah suurogalnimada in ciidamada Amisom ay dalku ka baxaan,iyadoo weli aan dhisnayn ciidan qaran oo ay Soomaalia leedahay.

LEAVE A REPLY