SHARE

Waxaa soo ifbaxaya wararka ku saabsan in Mukhtaar Roobow abuumansuur uu bilaabay dhaq dhaqaaqyo iyo abaabulo dagaal oo ka dhan ah ALshabaab,wuxuuna shalay gelinkii dambe uu gaarey magaalada Xudur ee Xarunta Gobolkaasi Bokool.

Ujeedka socdaalka Abuu-mansuur uu ku tagay Xudur ayaa laxiriirta xoojinta dhaq dhaqaaqaasi oo lagula dagaalamayo Alshabaab,iyadoo dagaalkii ugu dambeeyey lagu dilaya ku dhawaad 10 Alshabaab ah,halka dhanka kalena uu ku dhintay wiil uu dhalayAbuumansuur.

Wararka ayaa sheegayaa in Abuumansuur uu Saraakiisha Itoobiya iyo kuwa Soomaalida kala hadlay sidii looga fal celin lahaa Dagaalkii Al-Shabaab ay ku dileyn dagaalamayaal uu ka mid ahaa wiil uu dhalay Abuu Mansuur.

Magaalada Xudur iyo nawaaxiga deegaanka Abal,waxaa kusugan ciidamo daacad u ah Mukhtaar Roobow Abuumansuur,kuwaasi oo la sheegay in loo abaabulayo ka qeybgalka dagaalka ka dhanka ah Shabaab

LEAVE A REPLY