SHARE

Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay dhankooda hirgelin doonaan heshiiskii laga gaaray colaadii ka jirtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,kadib markii la furay qaar kamid ah waddooyinka magaaladaasi oo horey ugu xirmay dagaaladii halkaasi ka dhacay.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Xasan Maxamed Abgaaloow ayaa sheegay in ay wanagsan thay in laga hortago kuwa ku dhexjira ee mar walba doonaya in ay dhibaato ka dhex abuuraan Galmudug iyo Puntland.
Waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in dadkaas ay hal meel uga soo wada jeestan isla markaana muhiim ay tahay in meel lagu tuuro wixii xumaa nabadana la wada qaato.
Hadalka guddoomiyaha wuxuu ku soo beegmayaa xili maalintii shalay si rasmni ah loo furay waddooyinkii xirnaa,islamarkaana ay dadku bilaabeen in ay is dhexgalaan.

LEAVE A REPLY