SHARE

Markii ugu horeysay ayaa Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu howl geliyay Saraakiisha dhalinyarada Booliska,kuwaasi oo dhowaan ku soo biiray Booliska, waxaana dhalinyaradaasi loo magacaabay Taliyeyaal saldhigyo boolis ku yaala qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.
Talaabadan Is bedelka ah ayaa qeyb ka ah amar ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya kaasi oo ahaa in Saraakiisha dhalinyarada ee ka midka ah Ciidamada qalabka sida loo magacaabo Hoggaanada qeybaha kala duwan ee ciidanka.
Labo ka mid ah dhalinyaradii ka baxday jaamacadaha ee ku biiray Taliska Booliska, oo dhowaan darajooyin loo xiray ayaa loo magacaabay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Shibis iyo Boondheere.
Sidoo kale Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Shibis ayaa loo magacaabay Cali Xasan Axmed,halka Cabdi Wakiil C/llaahi loo magacaabay Taliyaha Booliska saldhiga degmada Boondheere, waxaa xilalka laga qaaday taliyeyaashii hayay oo ahaa kuwo aad uga da’ weynaa dhalinyaradan la magacaabay.

LEAVE A REPLY