SHARE

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowlada gobolleedka Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Gal-guduud.
Ujeedka socdaalka Madaxweyne Waare ayaa ah ka qeybgalka shirka lagu dhameystirayo heshiisyadii Galmudug iyo Ahlusuna waxaana ku wehlinaya guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeele Cismaan Barre Maxamed.
Garoonka Diyaaradaha magaalada Dhuusomareeb waxaa ku so dhaweeyy Waxaana halkaa ku soo dhaweeyay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan madaxa Xukuumadda Galmudug iyo mas’uuliyiin kale.
Waxaa lagu wadaa in halkaasi ay gaaraan madaxda maamul Goboleedyada,kuwaasi oo haatan ku wajahan magaaladaasi Dhuusmo Mareeb.
Qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan ka socota magaalada Dhuuso Mareeb,halkaasi oo ay kusugan yihiin madax kaladuwan.

LEAVE A REPLY