SHARE

Ambassador Jamaal Maxamed xasan Wasiirka Wasaardda qorsheynta iyo maalgashiga caalamiga ah ee xukuumadda soomaliya oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhawaan dalka ay ku qaban doonaan shir looga hadlayo maalgashiga soomaliya.

Wasiir Jamaal ayaa Shirkaasi ku micneeyay in liskugu yeeri doono hay,adaha qaramada midoobay iyo maalgashayaasha caalamiga ah kuwasi oo laga doonayo in gudaha soomaliya ay ka fuliyaan mashaariic hormarineed iyo inay kasameystaan maalgashi.

Wuxuu sidoo kale Wasiirku intaasi ku daray in soomaliya ay ku dihantahay qeyraad oo uu alle ku maneystay kuwaasi oo ubaahan in laga faa,ideysto islamarkaana shacabka soomaliyeed ay kaga baxaan shaqa la,aanta daashatay.

Ambasadoor Jamaal Maxamed xasan ayaa dhanka kale waxa uu sheegay mar hadii maalgashi lagu sameeyo soomaliya ay meesha kabaxeyso in kaalmo caalami ay kasugto dowladhaa deeqahaa bixiya maadaama markaasi uu soo galayo qarashaad badan islamarkaana ay isku filnaansiinkarto.

Hadalkani ayuu jeediyay Mar uu ka qeybgalayay barnaamijka kulanka todobaadka oo ka baxay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY