SHARE

Ciidamo Mareykan iyo Soomaali ayaa xalay howlgal gaar ah ka fuliyeen Tuulo lagu magacaabo Jameeco Jiliyaale oo qiyaastii magaalada Jowhar u jirta illaa 50KM ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidamadan oo watay gaadiidka gaashaaman ayaa waxaa cirka ka taageerayay diyaarado kuwa qumaatica u kaca, waxaana bartilmaameedkooda ahaa Madaraso Waxbarasho oo Al-Shabaab carruur wax ku barayeen.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in howl galka lagu dilay illaa shan ruux oo uu ku jiro Madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa Madarasadaas.
Ciidamada howl galka fuliyay ayaa waxay horay u kaxeysteen carruurtii wax lagu bari jiray Madarasada, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.
Xaalada deegaanka Jameeco Jiliyaale ayaa degan, waxaana la sheegayaa in ciidankii huwanta ahaa ay isaga baxeen deegaanka.
Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ayaa kordhiyay howl galada qorsheysan ee ay ka fulinayaan deegaanada Shabaabka maamulaan.

LEAVE A REPLY