SHARE

Gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa maanta waxaa qarax miino lagula eegtay duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in gaariga qaraxa lala eegtay uu ka mid ahaa dhowr gaadiid oo marayay inta u dhaxeysa Tuulada Isgoyska iyo Haansheekh.
Dad ku sugan degmada Balcad ayaa sheegaya in gaadiidka AMISOM uu ka yimid dhanka Muqdisho, kuna sii jeeday magaalada Jowhar.
Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa lala eegtay Ciidamada, waxaana la sheegay in qaraxa kaddib ay ciidamada iyo kolonyadooda sii wateen socodkooda.
Inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa ku soo kordhayay weerarada lagu qaadayay gaadiidka ciidamada iyo qaraxyada miino, waxaana ammaanka wadada uu ahaa mid marba marka ka dambeysa faraha ka sii baxayay.

LEAVE A REPLY