SHARE

Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota oo ah halka ay ku noolyihiin Soomaalida ugu tirada badan ee dalka Maraykanka, ayaa isku diyaarinaysa martigalinta is-araggii ugu dambeeyay ee ciyaarta ugu xiisaha badan Wadankaasi, taasi oo lagu magacaabo “American Football”.
kulankaasi oo ah kama dambeys oo dhici doona Maalinta beeritto ah oo Axad ah ayaa lagu magacaabaa “Super Bowl”, waxaana lagu qabtaa hadba Magaalo ka mid ah Magaalooyinka Dalka Maraykanka, waxaana hadda nasiib ku helay Magaalada Minneapolis oo ay ku nool yihiin Soomaalida ugu tirada badan, iyadoo inta uu kulankaasi la qabanayo laga abuuro dhaqaale fara badan.
Ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool magaaladaasi ayaa ku dadaalaysa inay ka faa’idaystaan kumanaanka qof ee u daawasho tagaya magaaladaasi, si ay ciiyaarta u daawadaan, waxaana la sheegayaa in ay ku guuleysatay Maqaayad ay Soomaalidu leeyihiin inay geeyaan xafladda furitaanka Kulankaasi Raashin iyo cabitaanno, ay sida weyn u isticmaalaan Dadka Soomaalida sida Sambuuska.
Wararka ka imanaya Magaalada Minneaplis ayaa sheegaya in ilaa iyo toban kun oo Sambuus ah halkaasi la geyn doono, waxaa kaloo jira inay ka faaideysan doonaan Wadayaasha Tagaasida, kuwaasi ka sameyn doona ama ka heli doona dhaqaale buuran.

LEAVE A REPLY