SHARE

Guddoomiye ku xigeenka amaanka maamulka Gobalka Gedo ee koofurta Soomaaliya oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in ay jiraan wararka sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan shabaab oo ay ku jiraan hogaamiyaal ay soo gaarayn gobalka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in shabaabka ay soo gaarayn deegaanka Ceel-cadde halkaasna ay ka sameestayn fariisamo, waxaana xubnaha halkaasi gaaray ka mid ah Shiikh Cali Maxamuud Raage sida ay sheegayaan xogta laga helay saraakiisha gobalka iyo xubno kale oo ajaaniib ah.

Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in la iska kaashado dagaalka Al-shabaab, sidoo kale waxa uu sheegay in ay socdaan abaabul ay wadaan Saraakiisha amaanka iyo mas’uuliyiinta gobalka kaas oo ah amar ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya kuna wajahan in shabaab laga hor tago.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee kusugan Gobolka Gedo ayaa wada howlgalo ka dhan ah shabaab,iyagoo sidoo kale baadi goobaya hoggaamiyaha ugu sareeya ee ALhsbaab.

LEAVE A REPLY