SHARE

Ciidamada Militariga Soomaaliya oo kaashanaay Kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in maleeshiyaadka Alshabaab ay kala wareegeen deegaano iyo saldhigyo dhowr ah oo kuyaalay Gobolka Shabeelada Hoose.
Howlgalo ballaaran oo ay sameeyeen ciidanka Xooga Dalka ayaa u suura gashey in ay Alshabaab ka qabsadaan Awdheegle,Mubaarack,deeganka Daarusalaam,Deegaanka Malable iyo tuulooyin hoostag degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelada Hoose.
C/fataax Xaaji Cabdulle Guddoomiye kuxigeenka Gobolka SHabeelada Hoose ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay in maleeshiyada Alshababa laga qabsady deegaano dhowr ah oo ay ku lahaayeen Gobolkaasi Shabeelada Hoose.
“Ciidanka Xooga dalka ayaa maanta sameeyay howlgalo ballaaran,waxaana ay maleeshiyada Shabaab ay ka qabsadeen saldhigyo iyo deegaano dhowr ah,alle mahadii,waxaana socda weli howlgalo,ciidamada ayaa la hadlaya shacabka iyagoo ka codsanaya in ay is dejiyaan,een deegaanada laga qabsadey maleeshiyada Alshabaab waxaa kamid ah Mubaarakc Awodheegle,sidoo kale waxaa hawada ka baxday Idaacad afka Alshabaab ku hadlayso oo ay ku lahaayeen Deegaanka Daarusalaan,way isaga carareen meel cirib iyo jaan ay dhigeen lama garan karo,ciidamaduna way ku raad joogaan”, Ayuu Yiri Guddoomiye C/fataax Xaaji Cabdulle.
Guddoomiye kuxigeenka ayaa mar aan weydiinay su’aal ahayd in uu faah faahiyo khasaaraha halkaasi lagu gaarsiyay Alshabab ayaa sheegay in ay jiri karaan khasaarooyin,dhimasho dhaawac iyo dad laga qabqabto,balse markii uu howlgalo soo dhamaado la xaqiijin doono kadibna ay soo bandhigi doonaan.

LEAVE A REPLY