SHARE

Wararka ka imaanaya Gobolka SHabeelada Dhexe ayaa sheegayaa in dagaal xoogan oo u dhexeeya Alshabaab iyo ciidamada Amisom uu ka dhacay meel u dhow degmada Balcad ee Gobolka SHabelada Dhexe.
Dagaalka ayaa ka dhacay tuulo lagu magacaabo Ilbiq oo hoostagta deegaanka Golaley oo ka tirsan degmadaasi Balcad,waxaana uu ka dambeeyey markii ciidamo ka tirsan Amisom lala beegsaday miino nuuca dhulka lagu aaso ah.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay maqlayaan dhawaqa rasaasta la isweydaarsanayo,daqiiqado kadib markii qaraxaasi uu dhacay.
Mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Amisom iyo kuwa Dowladda eek u aaadan dagaalkaasi.
Dhanka kale faah faahin ayaa ka soo baxaysa qarax miino oo sababay khasaar edhimasho iyo dhaawac oo k adhacay duleedka degamadasi Balcad,kadib markii gaari nuuca xamuulka qaada ah uu qabsaday qarax.
Darawalkii gaarigaasi oo magaciisa lagu so koobay Bishaar ayaa ku geeriyooday iyo qof kale halka mid kalena uu dhaawac ka soo gaaray,kuwaasi oo dhaawacooda la geeyay degmada Balcad,qaraxaasi ayaa ka dhacay deegaanka Haan Shiiq oo khayaas ahaantii 7 KM dhanka Waqooyi kaga began degmadaasi Balcad.

LEAVE A REPLY