SHARE

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Mudane Tabid Cabdi Maxamed oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa booqday Badhii kusfiga loo geystay oo uu caafimaad ahaan Dalka dibadiisa ugu qaaday maamulkiisa xiligii u u talad ahayay.

Waxaa uu caaladeedi caafimaad ka wareystay waalidka dhalay gabahdhaasi oo warbixin siiyay guddoomiye Taabid,iyago ougu mahadceliyay sid uu isaga xil saaray garab istaaga gabadhaasi.
Guddoomiye Taabid ayaa waxaa uu la kulmay sidoo kale Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga,kuwaasi oo soo dhaweyn u sameeyey guddoomiye taabid.

“Waxaan u mahadcelinayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Istanbul iyo saaxibada kale ee si wanaagsan inoo soo dhaweeyay,
Waxaan maanta soo booqday walaashay Faiza Sheikh Mohamed, alxamdulilah,waxaan aad ugu faraxnay xaaladeeda caafimaad oo soo fiicnaaneyso,Waxaan u rajeynayaa caafimaad taam ah. Inshallah Faiza xaaladeeda caafimad si gaar ah ayaan ula socondoonaa marwaliba”,Ayuu yiri Guddoomiye Taabid.

“Waxaan sidookale soo salaamay walaashay Muxubo oo wiilkeedii yaraa Mohamed Yare dhoor maalin kahor ka saqiiray kadib markii qaliin lagu sameeyay,Waxaan Alle uga baryayaa saqiir aakhiro inshallahu,
Mohamed Omar Mohamed, oo wadnaha qaliin looga sameeyay ayaan sidookale soo booqday,Xaaladiisa caafimaad aad ayay u wanaagsantahay. Waxaan u rajeynayaa caafimaad kaamil ah inshallah”, Ayuu intaais ku daray Taabid.

Mudane Taabid cabdi Maxamed Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa gar gaar caafimaad oo dalka dibadiisi ah u fidiyay qoysas Soomaaliyeed oo Sabool ahaa,kuwaasi oo aan haysanin qarshaad ay isaga bixiyaan.

LEAVE A REPLY