SHARE

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka waxaa ku soo badanayay waayadaan Dambe Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ,taas oo keentay in Waddooyinku ay noqdaan kuwoo Saxmad Badan ,Saameynta ugu badanna Ganacsiga iyo Dadweynaha shaqooyinka u socda ayey ku yeelatay arintaasi
Xilliyada ay socdaan gaadiidkaasi waa wakhtiyada ugu badan ee ay waddooyinka caasimaddu yihiin saxmad ,iyadoo horay loo go,aamiyay in gaadiidka xamuulka ah ay mari karaan oo kaliya wadada ka soo baxda dekedda ,isla markaana marta isgoyska taleex ee degmada Hodon.
Gaadiidka xamuulka ah waxa ay Dekedda ugu soo baxaan iyagoo koox koox u socda xilliyada qaarna ay hakad galiyaan wadooyin badan oo halbowle u ah magaalada shilal badana horay ayey u dhaceen
Qaar ka mid ah ragga darawalada ka ah Gaadiidka Xamuulka ayaan su ,aalo ka weydiinay sababaha keenay xilliga ay wadooyinka isticmaalaan iyo qatarta ka dhalan karta,iyago xusay in dhibaatooyin iyo aqabado ay ku yihiin isu socodka dadka iyo Gaadiidka.
Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya oo mas,uul ka ah sharuucda guud ee wadooyinka iyo gaadiidka sida u wajahaysa cabashooyinka dadweynaha ka imaanaya .
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Cali Gacal Gaabow ayaa inoo sharxaya arimahaasi.
‘’Waa run arrimahaasi ciriiriga ka jira wadooyinka,Wasaaradda gaadiidka waxaa waajib uu ka saran yahay nidaaminta sharciyada waddooyinka,muhiimadda ugu weyn waa in sharciga u deggan gaadiidka lagu dhaqmaa sida dadka arimahan ku xeel dheer ay soo jeediyeen,marka maalmahan waxaa waxaa socda qorshe lagu dardargelinayo shuruucdii waddoyinka iyo nidaamkooda oo meel fiiacan maraayo’’. Ayuu yiri Gaasimae Cali Gacan.
Dhibaatooyin ayaa ka taagan waddooyinka magaalada Muqdisho qaar kooda,taasi oo sabab u ah ciriiriga waddooyinka iyo isticmaalka gaadiidka noocyadiisi kaladuwan oo ku soo badanaya caasimadda,iyadoo mararka qaar ay dhacdo in shilal ay sababaan arrimahaasi.

LEAVE A REPLY