SHARE

Iyadoo mudooyinkii danbe ay magaalada Boosaaso ka socotay Bad baadinta Hantidii saarnayd Doontii ku xumaatay Badda ayaa waxaa socday Dadaalo ay bixinaysay Maamulka Puntland iyo Ganacsatada taasoo Bad-Baadinteeda aan loo kala Harin.

Magaalada Garowe ayaa lagu qabtay Shirjaa,id oo lagu Soo bandhigayey Hantidii Saarnayd doontaasi taasoo kor u dhafaysay $ 7 Milyan Dollar.

Wasiiradda Wasaradaha Maaliyada,Ganacsigga ,Warfaafinta, Amniga iyo Haweenka Puntland ayaa sheegay inay Puntland Canshuurtii ka dhaaftay Hantidii lasoo Bad-Baadiyey.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Cabdullaahi Siciid Carshe(Dhaqaaje),ayaa shacabka Boosaaso uga mahad celiyey dadaalkii dheeraa iyo isku tashiga ay Sameeyeen.

Wasiirka Wasaarada Amniga Puntland Axmed Dowlad ayaa dhankiisa wuxuu u mahad celiyey Ciidamadii sugayey Amnigga intii Shaqadu ka socotay magaalada Boosaaso.

Waxaa kale uu sheegay iney Canshuurtii ka dhaafeen Doonta Xafiis ee Labada Todobaad lagu howlanaa sidii loo badbaadin lahaa.

LEAVE A REPLY