SHARE

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Gobolka Ohio ayaa Xaflad Casho sharaf soo dhaweyn ah u sameeyey Mudane Axned Ciise Cawad Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamigaa ee Soomaaliya,taasi oo ka dhacday xalay magaalada Columbus Ohio ee dalkaasi Mareykanka.
Munaasabadd asoo dhaweynta Wasiirka Waxaa soo qaban qaabiyay New American Political Action Committee oo ah urur siyaasi ah oo ka dhisan gobolka Ohio,iyadoo ay ka qeybgaleen aqoonyahano bulshada Soomaaliyeed ee kunool halkaasi.
Siyaasiin iyo aqoonyahano ka hadlay kulankaasi ayaa ugu hambaleyeey Wasiir Axmed Ciise Cawad xilkaasi loo dhiibay,iyagoo ku amaanay in uu yahay qof gudan kara xilkaasi,mudadii uu safiirka ahaana uu wax badan qabtay.
Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa ku dhiiro geliyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka in ay dalkaada dib u dhiskiisa iyo horumarkiisa ay ka qeyb qaatan.
“In aad waqtigiina qaar siisaan dalkiina hooyo oo aad maskax maal iyo aqoonn ku celisaan,waa arrin muhiimadeeda leh,dalka waxaa kajira isbedel iyo horumar wanaagsan,si aad u soo aragtaan horumarkaasi aadna uga qeyb qaadataan”. Ayuu yiri Wasiir Cawad.
Wasiirka arrimahada dibadda Xukuumadda Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad ayaa soo hadal qaaday baahiyaha loo qabo in Soomaalida kunool Mareykanku ay xil iska saaraan sidii loo heli lahaa dhul ay leedahay Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka,isagoo xusay in uu siweyn ula socdo in ay jirto baahi loo qabo dhismaha xarun ay leedahay safaaradda Soomaaliya ee Dalkaasi.
Inta uu ku sugan yahay Dalkaasi Mareykanka wasiir Axmed Ciise Cawad waxaa la filayaa in kulamo kale uu la yeesho Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi kunool,isagoo u kuurgalaya xaaladaha Soomaalida kunool magaalooyinka kaladuwan ee Dalkaasi.

LEAVE A REPLY