SHARE

Ra’isalwasaaraha Dalka Albania Edi Rama ayaa sheegay in uu wado qorshe ay labada dal ku wadaagayaan hal madaxweyne mustaqbalka dhow.

Edi Rama,ayaa shalay khudbad ka jeediyay Baaralamaanka Dalka Kosovo iyada oo la xusayay sanadguurada 10aad ee madaxbanaanida Kosovo oo shalay la xusayay.

Kosovo waa dal ka go’ay Seerbiya iyada oo Seerbiya aaminsan tahay in Kosovo tahay Gobol ka mid ah Dalkaas islamarkaana aysan aqoonsaneyn abid.
Inkasta oo Seerbiya diiddantahay dowladnimada Kosovo haddana 112 dal oo ka mid ah 193 dal ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobey ayaa aqoonsan.

Ra’isalwasaaraha Albania Edi Rama,waxaa uu sheegay in Albania iyo Kosovo ay wadaagaan dadnimo,dhaqan iyo diblomaasiayad mideysan oo caalamka ah,taas oo horseedi karta in ay yeeshaan hal madaxweyne.`

Kosovo waxaa ay 2008ddii ku dhawaaqday in ay ka go’day Seerbiya inteeda kale iyada oo Seerbiya ay taas diiddantahay.

LEAVE A REPLY