SHARE

Waxaa soo baxaya faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa duqeyn ay ka geysteen diyaarado saaka aroortii saldhig ay xooggaga Al-Shabaab ku lahaayeen degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.Duqeyntan ayaa sida la sheegayo ay sababtay qaraxyo waaweyn ayaa waxaa cabsi ay gelisay dadka ku nool degmada Jamaame oo ka mid ah degmooyinka ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab.
Dadka degaanka ayaa sheegay in saakay aroortii mar qura ay ku soo tooseen iyada oo jawiga uu is bedelay, islamarkaana dhanka saldhiga ay ka maqlayeen dhowaaqa rasaas xoogan iyo guuxa diyaaradaha, taasi oo dadka qaarkood ku qasabtay in ay barakac sameeyaan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in xilligii ay dhacaysay duqeynta ay saldhigga la weeraray ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo doonayay inay ka qeybgalaan shir magaalada Jamaame uga furmaya madax ka tirsan Al-Shabaab.
Duqeynta saldhiggan oo ku yaal meel u jirta 5km degmada Jamaame ayaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay mana jirto dal sheegtay inuu ka dambeeyay duqeyntan ka dhacday degmada Jamaame.
Ciidamada Mareykanka ayaa bilihii u dambeeyay howlgallo nuucaan oo kale ah ka fuliyay qeybo ka tirsan gobolada dalka, waxayna ku dileen saraakiil iyo dagaalyahano Shabaab ka tirsan.

LEAVE A REPLY