SHARE

Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Madaxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa khubdad dhinacyo kala duwan taabaneyso ka jeediyay shirkii lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Kampala ee Caasimada dalka Uganda, shirkaas ayaa u dhaxeeyay Madaxda Dalalka Ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya ee AMISOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Musaveni, Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo, Wasiirka Difaaca Kenya Marwo Raychelle Omamo, Wasiirka Difaaca Jabuuti Mudane Ali Hassan Bahdon, Madaxa Midowga Afrika Mudane Moussa Faki Mahamat iyo Xoghayaha guud ee IGAD Mudane Mahboub Maalin.

Madaxdii ka soo qeyb gashay shirka ayaa khudbado ka jeediyay waxay diirada ku saarayeen hadalkooda ciidamada AMISOM iyo u diyaarinta Ciidamada Dowladda Soomaaliya masuuliyadda Ammaanka dalkooda, sidoo kale madaxdii kasoo qeyb gashay waxay ku bogaadiyeen qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan kala guurka, iyadoo soo bandhigtay horumarka ay ka samaysay hagaajinta iyo dib u tayeynta ciidamada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa shirkaas ka jeediyay khudbad dhinacyo kala duwan taabaneyso wuxuuna xoogga ku saaray dagaalka Dowlada Soomaaliya ay kula jirto Al-shabaab.

Wado dheer ayaa na sugeeysaa waxaan u baahnahay in aan isu keeno xeelad wax tar leh, si aan Al-shabaab ula dagaalno ugana Adkaano waxaana Aaminsanahay in ay Diciif yihiin mahan sida ay u muuqdaan, mahan sida ay u shaqeeyaan mana ahan sida ay u howl galaan ee ah in ay dhexyimadaan Dadka Gawaarina ku qarxiyaan kuna Burburiyaan Banii adanimadda iyo Hantida, sidaas waxaa yiri Madaxweyne Farmajo.

Dhanka kale Madxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa soo hadal qaaday muhiimada Beesha Caalamka ay ku leedahay dagaalka Dowlada ay kula jirto Al-shabaab wuxuuna yiri waxaan aaminsanahay Hadii aan sii wadno in aan is kaashano inagoo Caawimaad ka Heleeyna Midowga Europe iyo Bulshadda Calaamka in ay siiwadan Bixinta Lacaga howlgalkan waxaan Awoodi doona in aan Al-shabaab uga guuleeysanno si fudud.

LEAVE A REPLY